Somali

Somalische Participatiepunt Amsterdam

Warbixin kooban SPA


Ujeedada
SPA waxay u taagantahay Somalische Participatiepunt Amsterdam, waa urur loo asaasay inuu ka shaqeeyo danaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaanada Amsterdam iyo hareereheeda. Hadafka ururku waa  isukeenida dadka Soomaalida ah, si ay isaga kaashadaan xal u hilidda dhibaatooyinka uga imaan kara nolosha qurba joognimada. 

Hadafka ururku waa mid bulsho, wax siyaasad shuqul kuma laha, wuxuuna xoogga saarayaa wax ka qabashada danaha caamka ee guud ahaan xubnaha jaaliyadda Soomaalidu heshiis ku noqon karaan wax ka qabashadooda.

Sida inay dhaqankooda iyo diintooda wada ilaashadaan, kana hortagaan  si wada jir ah dhibaatooyinka keeni kara inay nolosha Holland oo ah mid aad uga duwan noloshii dalkii ay ka yimaadeen. 


Xaqiijinta hadafka SPA


Ururku si uu u xaqiijiyo hadafkaas loo asaasay wuxuu xoogga saarayaa inuu dadka Amsterdam iyo hareereheeda degan ku baraarujiyo inay dhexdooda kala faaiidaystaan, isagoo u suurto gelinaya inay  helaan xarun ay ku kulmaan. 

Wuxuu ka shaqaynayaa sidii uu xubnaha ugu soo gudbin lahaa xogta muhiimka oo ay u baahan yihiin si ay noloshooda dalkan kor ugu qaadaan, ugana faaiideystaan  fursadaha ka jira dalkan, sida kuwa shaqada, waxbarashada iyo ganacsiga IWM.

Dhanka kale wuxuu ku dadaalayaa sidii looga hortegi lahaa burburka qoysaska Soomaalida ah, oo ay sababtay dhaqanka iyo nolosha inagu cusub iyo dhibaatooyinka ka dhashay. Qaasahaan waxa uu waalidiinta siinayaa warbixinno iyo talooyin ku saabsan cawaaqibta ka dhalan karta burburka qoyska.


SPA waxayna marna  ogolaanaynin in waalid soomaaliyeed isagoo awoodi kara inuu ubadkiisa korsado laga qaado, loona geeyo qoys aanu dhaqan iyo diintoona la wadaagin. Xaaladaas oo kale waxaa ururku waalidka ka taageeraya sidii waalidkaasi xaqiisa ugu heli lahaa hab sharci ah. 

SPA waxay si gaar ah ugu adeegaysaa dadka jilicsan oo ay ku adagtahay inay iskood isku deberaan ama dhibaato ka haysato luqada iyo nidaamka dalka, iyadoo u suurtagelinaysa inay helaan meel lagu caawino. 

Arrimahan aan kor ku sheegnay, iyo qaar kale badan oo aanan halkan ku koobi Karin waxay ku hirgelikaraan xaqiijintoodu in qofkasata oo ka mid ah mujtameceenu uu kaalinta isaga ku aadan ka muuqdo.

SPA waa urur noocee ah

SPA waa urur loo sameeyey in uu metalo Jaaliyadda Soomaalida Amsterdam iyo hareereheeda, waxaa xaq u leh inay xubin ka noqdaan qofkasta oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Amsterdam iyo Hareereheeda ku nool.

Xubnaha ururka waa hay'adda ugu saraysa ururka, kulankooda sannadkii ay isugu yimaadaan ayaa lagu gaaraa go’aanada ugu muhiimsan sida doorashada iyo bedelidda guddiga fulinta. Sidaas darteed ayaa fadhiga xubnuhu wuxuu noqonayaa maqaamka ugu saraysa ururka. Xubnaha waxay u wakiilanayaan guddiga fulinta hawlmaalmeedka ururka.

Guddiga fullinta waa hay'adda u xilsaaran maamulka hawlaha ururka, sida samaynta qorshe sannadeedka iyo fullintiisa. Guddigaas waxaa waajib ku ah inay kulan sannadeed kasta  xubnaha ay xisaab celin u sameeyaan, wixii u qabsoomay iyo waxaan u qabsoomin qorshohoodii. 


Xubnimada SPA


Sidaan hore u sheegnay waxaa ururka xubin ka noqon kara qofkasta oo Soomaali ah, qaangaar ah, caqligiisuna taam yahay, isla markaana bixiya qoondada ururka oo ah ugu yaraan 10 euro.

Waxaa muhiim ah in la ogaado, in uu qofku xuquuqda aan kor ku soo xusnay yeelanayo marka uu ka soo boxo waajibkiisa, sida bixinta lacagta xubinimada si joogta ah.

Iskaa wax u qabso ( Isxilqaan)

Waxaa muhiima in la ogaado in baahida mujtameceenna aad u ballaadhantahay ayna adag tahay inay daboolaan guddiga fullinta oo kaliya. Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in la helo dad ku shaqeeyo iskaa wax u qabso, ama is xilqaan. Sidaa daraadeed waxaa ururku markasta ku dhiirigelinayaan xubnaha inay isu xilqaamaan waxka qabashada hawlaha Jaaliyadda.


Xafiiska iyo xiriirka


Xafiiska SPA waxa uu ku yaalaa Amsterdam Sloterdijk, wadada basisweg 35 ( 1043 AN ).


Wixii macluumaad dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaan telefoonada iyo emailada hoos ku qoran.






Wilt u op de hoogte blijven van al onze activiteiten, evenementen, projecten 


dan kuntemaileln naar info@somapunt.nl